Faah faahin:- Qarax qasaare geystay oo lagu weeraray garaash ay ku sugnaayeen ciidanka nabad sugidda

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax aad u xoogan oo gelinkii dambe maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu geystay qasaare isugu jira dhimasho  iyo dhaawac.

Qaraxaas ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa miino lagu aasay afaafka hore ee garaash ay dhawaantaan la wareegeen ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA oo ku yaala xaafadda Black Sea ee degmada Hodan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyootay illaa 3 qof oo midkood ahaa askari ka tirsan ciidamada NISA, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacmeen 5 qof kale.

Ilaa iyo haatan lama oga sida ay ku suurta gashay in goob ay ku sugan yihiiin ciidamada nabad sugidda qaranka ee NISA qarax miino ah loo geliyo, waxaana saraakiisha amniga ay sheegeen inay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan arrinkaas.

Dhinaca kale, garaashkaan ayaa la sheegayaa inuu ahaa goobtii hore looga soo abaabulay qarax kale oo dhawaan ka dhacay Suuqa Beerta oo degmada Waaberi, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay gacan ku haynta goobtaasi la wareegay ciidamada nabad sugidda qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan qaban-qaabada doorashadda guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya, iyo sidoo kale shirka madaxda madasha wadatashiga qaran ee Soomaaliya, kaas oo loogaga hadlaayo arrimaha doorashada.

error: Content is protected !!