Magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan xildhibaanada waqooyi ee maanta lagu doortay Muqdisho

Waxaa maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka bilaabatay doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi ee Somaliland u matalaya Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo weli ka socota xarunta gaadiidka booliska degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ilaa haatan lagu doortay xildhibaanada kala ah:-

1- Biixi Iimaan Cige, oo u dhashay beesha Ciidagale/ Danwadago, wuxuu ku guuleystay 47 cod.

2- C/risaaq Daahir Maxamuud, oo u dhashay beesha Carab/Guulane, wuxuu ku guuleystay 49 cod.

3- Siciid Maxamed Maxamuud, oo u dhashay beesha Muuse Dhariyo, wuxuu ku guuleystay 43 cod.

4- Xuseen Carab Ciise, oo u dhashay beesha Ciidagale/Baha Deqsi, wuxuu ku guuleystay 47 cod kadib markii uu tanaasulay musharixii isaga la tartamaayay.

Tirada xildhibaanada gobolada waqooyi ee Somaliland u matalaya Aqalka hoose oo ilaa iyo haatan la doortay ayaa gaaraya 29 xildhibaan, waxaana weli harsan 17 xildhibaan, taas wadarta guud laga rabo inay noqdaan 46 xildhibaan.

Kadib markii lasoo gaba-gabeeyo doorashada xubnahaan ayaa waxaa loo gudbi doonnaa doorashada xubnaha gobolada waqooyi ee Somaliland u matalaya Aqalka Sare, taas oo weli la isku heysto, goobtii lagu soo dooran lahaa.

error: Content is protected !!