Xarakada Al-shabaab ayaa maanta degmada Bariire ee gobolka S/hoose kusoo bandhigay odayaal la sheegay inay ka mid ahaayeen ergadii magaalada Cadaado kusoo dooratay xildhibaanada Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.
Odayaashaan oo tiradoodu gaaraya 7 oday ayay Shabaabku sheegeen inay towbad keeneen, islamarkaana ka laabteen la shaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.
Dhinaca kale, qoraal ay Al-shabaab ku faafiyeen warbaahintooda ayaa waxay ku sheegeen in odayaashaasi loo qabtay ashaadka kadib markii ay sheegeen inay dib usoo islaameen, waa sida lagu sheegay qoraalka Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa inta badan cadaadis iyo hanjabaadyo kala duwan u geysta dadka shacabka ah, gaar ahaan dadka la shaqeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka, iyagoo ugu hanjaba inay dilayaan.