XOG:- Guddiga doorashooyinka iyo madaxda madasha qaran oo isku haysta xildhibaanadii muranka ka dhashay

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo Madaxda madasha qaran ayaa weli isku heysta shahaado siinta 11 xildhibaan oo ay dhawaantaan laaleen guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, kadib markii ay sheegeen in si aan sharci ahayn lagu soo doortay.

Xarunta guddiga doorashada ee heer federaal oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay xildhibaanadii dhawaan la doortay, balse guddiga xallinta khilaafaadka ayaa gudbiyay liiska ay ku qoran yihiin 11-ka xildhibaan oo calaamad cas iyo kansalaad la saaray.

Xildhibaanada la doortay oo uu guddiga doorashada shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga ku siiyay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah loo diiwaan geliyay, si maalmaha soo socdo loo dhaariyo.

Madaxda madasha qaran ayaa weli ku adkeysanaya inaysan jirin wax xildhibaano ah oo la-laalay, waxayna go’aamiyeen inaan marnaba dib loogu noqon doorashada, maadaama doorashadu ay sheegeen inay si xalaal ah ku dhacday, waaa sida ay madaxda madasha qaran sheegeen.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa keentay in isku dhac kale oo cusub uu soo kala dhex galo madaxda madasha Qaran iyo wakiilada beesha caalamka, iyadoona beesha caalamka ay durbadiiba digniino culus arrinkaan kasoo saartay.

error: Content is protected !!