Dagaal muddo kooban socday oo saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo xiisadda oo kacsan

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan laga helaayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladda magaaladaasi ay maanta tahay mid aad u kacsan, kadib dagaal muddo saacado ah socday uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa aroortii saakay dagaal muddo saacado ah socday ku dhexmaray xaafadda Garsoor ee galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxayna labadaasi dhinac dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay 2 qof, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay seddax kale.

Ilaa iyo haatan lama oga cidda sida rasmiga ah dagaalka u bilawday, waxaana uu dagaalkaan saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka gaadiidka ee ka jiray magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale, dagaalka maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa jabinaya heshiiskii xabad-joojinta ahaa oo ay dhawaan magaalada Gaalkacyo ku kala saxiixdeen madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ugu dambeyntii, waxaa mudooyinkii ugu dambeysay magaalada Gaalkacyo ka jiray kulamo ay yeelanayeen guddiyo ka kala socda labada maamul goboleed, si ay u dhameystiraan heshiiskaas, balse haatan u muuqda mid fashil ku dhaw.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!