Mas’uuliyiin sare oo si deg deg ah looga yeeray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Ilo xog-ogaal ah aynu heleyno ayaa inoo sheegaya in madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Hirshabeele ay maalintii shalay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Seddaxdaasi mas’uul ayaa la sheegayaa inay u dhoofeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii lagu wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay halkaasi ku yimaadaan, si loogala hadlo arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo isna ka mid ahaa mas’uuliyiintii loo yeeray ayaa la sheegayaa inuu ka cudur-daartay, inkastoo arrintaan la sheegayo inay timid kadib markii madaxda shirka madasha wadatashiga qaran uu muran hareeyay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya oo inta badan la sheego inay saameyn weyn ku leedahay doorashada ka socoto dalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii uu markale dib ugu soo laaban lahaa madaxweynaha haatan taladda haaya ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo mudaddii uu xilka haayay uu ciriiri geliyay dalka.

error: Content is protected !!