Mid waliba oo ka mid ah musharixiinta sanadkaan ku tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa soo sameystay hal-ku-dhig iyo hal-heys ku saabsan ololahiisa doorashada.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna musharax markii labaad u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sameystay mid ka mid ah hal-heysyada ugu wanaagsan ee musharixinta kaas oo ah: DANTA DALKA IYO DADKA.
Baaritaan dheeraad ah aynu ku sameynay arrinkaasi ayaa waxaa inoo suurto gashay inaynu soo helno halka rasmiga ee laga soo qaatay hal-heyskan, waxayna ogaannay in laga soo qaatay dhaarta rasmiga ah ee madaxweynaha iyo xildhibaanada, taas oo u qoran sida soo socota:-
Dhinaca kale, hal-heyska Farmaajo ayaa noqday mid qabyo ah islamarkaana macne badan sameeyay, waxaana sida muuqata laga reebay ereyga DIINTA, taas oo dad badan u arkaan in magaca diinta aysan jecleyn beesha caalamka iyo dalalka reer galbeedka, waxayna taasi keentay in hal-heyska Farmaajo uu noqdo mid qabyo ah oo ay far ku godan tahay.