Tarsan “Xasan Sheekh wuxuu taageero ka raadinayaa Itoobiya, si markale dib loogu doorto..”

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir haatanna ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Deselgn inuu faragelin baahsan ku haayo doorashada Soomaaliya.

Mr. Tarsan ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray qoraalo uu ku muujinaayo in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Deselgn uu doonayo una ololeeynayo in dib loo doorto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo inta uu xilka haayay laga taagnaa qaati bilaahi.

“Xasan Sheekh wuxuu taageero ka raadinayaa Itoobiya, si markale dib loogu doorto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Deselgn isna wuxuu olole ugu jiraa isla arrintaasi, madaxweynaha ma kii soomaalida baa, mise waa kii Itoobiya?” Sidaas waxaa bartiisa Twitterka ku qoray Mr. Tarsan.

Dhinaca kale, hadalka kasoo yeeray Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa kusoo beegmaya, xilli madaxda seddax maamul goboleed ay haatan ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kuwaas oo halkaasi u tagay arrimaha doorashada dalka Soomaaliya.

Waxaa madaxdaasi ka mid ah madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, kan Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo kan Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble.

error: Content is protected !!