Xilliga iyo meesha lagu dhaarin doono xildhibaanada cusub ee rasmiga ah oo la shaaciyay (AKHRISO)

Xoghayaha guud ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa shaaciyey xilliga ay dhici doonto dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka, kaas oo dhowr jeer hore uu dib u dhac ku yimid.

C/kariin Buux ayaa sheegay in xafladda dhaarinta ay ka dhici doonto xarunta Akademiyada Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, maalinta Talaadada oo ay taariikhda ku beegan tahay 27-ka December 2016-ka, wuxuuna xildhibaanada rasmiga ah ee la diiwaan geliyay ka dalbaday inay hore usoo qaataan kaararkooda aqoonsiga.

“Sida waafaqsan qodobka 66-aad, farqadiisa 1-aad ee dastuurka federaalka Soomaaliya iyo warqadda ku taariikheysan 19-ka December 2016 ee guddiga heer federaal doorashooyinka dadban ee 2016-ka kusoo saaray natiijada xildhibaannada ku guuleystay xubinnimada labada Aqal ee baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, waxaan ku wargelinaynaa xildhibaannada baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed” Sidaasi waxaa yiri xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Ilaa iyo haatan lama oga sida dhaarintu ku hirgeli doonto, iyadoo aan weli xal laga gaarin muranka ka taagan Aqalka sare, siiba xubnaha matalaya gobolada waqooyi ee Somaliland, islamarkaana aan weli lasoo gaba-gabeyn shirkii madasha qaran ee magaalaada Muqdisho.

error: Content is protected !!