Ciidanka nabad-sugidda Puntland oo gacanta ku dhigay labo nin oo dil ka geystay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu dilay xeer ilaaliyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland C/kariin Xasan Firdhiye.

Labo nin oo hubeysan ayaa xeer ilaaliyaha ku dishay bartamaha magaaalada Boosaaso, waxaana xeer ilaaliyaha goobtaasi looga qaaday dhaawac ahaan balse markii dambe u geeriooday dhaawacaas.

Ciidanka nabad-sugidda maamulka Puntland oo goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray ayaa la sheegayaa inay eryadeen kooxihii dilka geystay, iyagoona ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan.

Dilka xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland C/kariin Firdhiye ayaa noqonaya mas’uulkii seddaxaad oo in ka yar muddo labo todobaad ah lagu dilo bartamaha magaalada Boosaaso.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa maanta ah mid aad u kacsan, waxaana gebi ahaan xiran dhamaan wadooyinka soo gala goobta uu dilka ka dhacay, iyadoona isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi uu maanta hakad ku jiro.

error: Content is protected !!