Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hor-yimid xubnaha lagu kordhiyay Aqalka sare (DHAGEYSO)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si kulul uga hor-yimid xubnaha lagu kordhiyay Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu guddoomiye Madaale sheegay inaysan marnaba aqbali doonin in dadka ku nool magaalada Muqdisho ay xuquuq la’aan noqdaan islamarkaana aan wax metelaad ah laga siin Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa ku dooday in magaalada Muqdisho lagu soo hadal qaadi waayo shirka madasha qaran, iyadoo la balaarinayo xubnaha Aqalka sare aanay u qaadmi karin dadka ku nool gobolka Banaadir ayna ku tahay xaq darro weyn.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kusoo beegmaya xilli habeenkii xalay ay war-saxafaded si wadajir ah usoo saareen madaxda madasha qaran, kaas oo lagu sheegay in dhamaan maamul gobaleedyada dalka loogu daray min seddax kursi oo Aqalka sare ah, iyadoona aan weli laga hadlin maqaamka iyo xuquuqda magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!