Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa si deg-deg ah u qeybiyay seddaxda xubnood ee cusub oo maamulkiisu ka helay xubnaha lagu kordhiyay Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Afhayeenka madaxtooyadda maamulka Puntland C/laahi Maxamed Jaamac(
Labo kursi oo ka mid ah seddaxdaasi kursi ee loo qoondeeyay Aqalka sare ayaa la siiyay beelaha dega gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo kala ah beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante oo midkiiba min hal xubnood la siiyay.
Sidoo kale, kursiga seddaxaad ayaa iyadana la siiyay beelaha shanaad ee dega Puntland.