Faah faahin:- Laba qof oo barqadii maanta lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil toogasho ah oo barqadii maanta lagu khaarijiyay laba qof oo shacab ah islamarkaana ka mid ahaa ganacsatada degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dilka labadaasi qof ee shacabka ah ayaa la sheegayaa inuu geystay askari magaciisa lagu sheegay Saciid Gureey islamarkaana ka tirsanaa ciidanka dowlada hoose.

Askarigaasi iyo labadaasi qof ayaa la sheegayaa inuu dhex-maray muran la xiriira canshuuro uu dadkaasi ka qaadayay, taas oo markii dambe keentay in askarigaasi uu rasaas ooda kaga qaado labadaasi qof ee shacabka ahaa.

Rasaastaasi ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ku dhaawacmay qof kale oo shacab ah oo xilligaasi goobta ka ag-dhawaa.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegayaa inuu islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana goobtaasi markii dambe gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaaalka Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmo kahor askari ka tirsanaa ciidanka dowlada hoose uu nawaaxiga isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho dil ugu geystay wiil ka mid ahaa dhalinyarada ku xamaasha mootooyinka bajaajka ah oo lacag yar canshuur ah awgeed uu u dilay.

Dhinaca kale, ciidamada ka tirsan dowladda hoose ee canshuurta ka qaada dadka ganacsatada ah ayaa inta badan si qalafsan ula dhaqma dadka ganacsatada ah, xilliyada ay ka qaadayaan canshuuraha, waxaana mararka qaar dhacda in si awood sheegasho ah ay lacagaha canshuuradaha uga qaadaan dadkaasi.

error: Content is protected !!