Sida uu madaxweyne Guuleed u qeybiyay xubnaha dheeriga ah ee Galmudug loogu daray Aqalka sare

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa seddax beelood oo ka mid ah beelaha dega deegaanada Galmudug u qoondeeyay in la siiyo seddaxda xubnood ee dheeriga ah oo Galmudug loogu daray Aqalka sare ee baarlaamaanka Soomaaliya.

Shir ay madaxda madasha qaran dhawaan ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay si wadajir ah isugu raaceen in maamul goboleed kasta min 3 xubnood loogu darro Aqalka sare ee baarlamaanka cusub, kadib markii qaar ka mid ah maamuladaasi ay isku khilaafeen qeybsiga xubnaha Aqalka sare.

 

Madaxweyne Guuleed oo muddooyinkii ugu dambeysay safaro dibadeed ku maqnaa ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana la filayaa markii uu dib ugu soo laabto dalka inuu si deg-deg ah ku magacaabo seddaxda xubnood ee kala ah.

  • Waxaa beesha Murusade loo qoondeeyay 1¬†xubin
  • Waxaa beesha Saruur/Habargidir loo qoondeeyay 1 xubin
  • Waxaa beesha Shanaad/Madhibaan loo qoondeeyay 1 xubin
error: Content is protected !!