Isbadel aan caadi ahayn oo maanta laga dareemayo waddooyinka ku yaala Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa maanta isbadel aad u weyn laga dareemayaa waddooyinka ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoona wadooyinkaas qaarkood ay maanta xiran yihiin islamarkaana aanay jirin wax dhaq-dhaqaaq ah.

Wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu daadiyay ciidamo badan oo isugu jira nabad-sugidda qaranka iyo booliska, waxaana gebi ahaan la joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray waddooyinkaas.

Sababta ugu weyn ee loo xiray waddooyinkaasi ayaa la sheegayaa inay tahay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu wado in lagu dhaariyo xarunta dugsiga sare ee booliska ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay xusid mudan tahay in waddooyin qaar ay hore u xirnaayeen.

error: Content is protected !!