Madaxda madasha qaran oo go’aan cusub kasoo saaray 11-ka kuraas ee muranka ka taagnaa (AKHRISO)

War-murtiyeed ay markale si wadajir ah usoo saaraan madaxda madasha qaran ayaa go’aan cusub looga gaaray kuraasta muranku ka taagnaa ee ay dhawaan laaleen guddiga xallinta khilaafaadaka doorashooyinka dadban ee dalka.

Waxaa war-murtiyeedka lagu caddeeyay in  7 ka mid ah 11-kii kursi ee laalay ay noqon doonaan xildhibaano rasmi ah, halka 4 kursi dib loo soo dooran doono, iyadoona 1-ka kale oo aan ku jirin 11-ka kursi isna dib loo soo celiyay.

HOOS KA AQRISO WAR-MURTIYEEDKA MADAXDA MADASHA QARAN

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 25 – 26 Disembar 2016-ka. Kulankan wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, taarikhdu markay ahayd 15kii-24dii Disember, 2016. Ujeedada kulankan ayaa ahaa go’aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee Golaha Sharci dejinta Qaranka ee 2016ka.

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)

▪ Ka dib markii ay dhageysatay warbixinta iyo tallooyinka Guddiga Xainta Khilaafaadka kullankoodii 26 December -2016
▪ Ka baaraandegtay nuxurka iyo duruufaha heeraariyey doorashada kuraasta muranka galey

▪ Fiiro-gaar ah u yeelatay macluumaadka dheeriga ah ee laga helay xog-isweydaarsiga MHQ iyo GXKHDD

Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay

a. In 5ta kursi ee hoos ku qoran dib loogu celiyo doorasho, laguna qabto mid walba degaaan-doorashadii horey loogu soodoortay, kuwaasi oo kala ah:

1) DRD/0010/PL Ugaar Saleebaan
2) HW/0055/GM Murusade
3) HW/0094/JL Gaaljecel
4) DM/0156/KG Macallin Wayne
5) HW/0208/HSH Jidle

b. Taariikhda dib-u-doorashada kuraastaas iyo abaabulka doorashooyinka waxaa loo xilsaaray guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dawlado goboleed;

c. 7-da kursi ee kale oo ka mid ahaa 11-kii kursi ee horay uu u hakiyey GXKHDD waa la fasaxay, waxaana la farayaa guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal inay xildhibaanada kuraastan ku guuleystay ay siiyaan shahaadadooda xildhibaannimo.

d. Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo guddiga xallinta khilaafaadka waxaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli dhiman ee mid walba hor yaal.

—DHAMMAAD—

error: Content is protected !!