Magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan 5-ta xildhibaan ee doorashada lagu celinaayo (AKHRISO)

Madaxda madasha qaranka ayaa maalintii shalay go’aan kama dambeyn ah kasoo saaray 4 kursi oo ka mid ah 11-kii kuraas oo ay dhawaan laaleen guddiga xallinta khilaafaaadka doorashooyinka, kaas oo ay ku go’aamiyeen in dib loogu noqdo doorashadooda.

Waxay madaxda madasha sheegeen in la cafiyay 7 kursi oo hore loo laalay, waxaana 4-ta kursi ee ka maqan 11-ka kursi ay noqdeen kuwa kaliya ee dib loo dooranayo, iyadoona markii dambe lagu soo daray 1 kursi oo ka mid ah kuraastii muranka ka taagnaa ee lagu soo doortay magaalada Cadaado.

Hoos ka aqriso magacyada xildhibaanada dib loo dooranayo iyo beelahooda

1-  Cabdi Maxamuud Maxamed – Ugaar Saleebaan
2- C/qaadir Gaafow Maxamuud – Murusade
3- C/laahi Maxamed Aadan (Shaacir) – Galjecel
4- Sheekh Shaacir Maxamed -Macalin-Weyne
5- Maxamed C/laahi Nuux – Jiidle

error: Content is protected !!