Musharixiin madaxweyne oo dacwad u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen lix ka mid ah musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay soo farageliyaan doorashooyinka ka soconaaya Soomaaliya.

Musharixiinta ku saxiixan war-saxaafadeedkaan ayaa waxaa ka mid ah, C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/qaadir Cosoble Cali,  Jibriil Ibraahim C/dulle, Saciid C/laahi Dani, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Maxamed Cali Ameeriko.

Dhamaan musharixiintaan ayaa waxay ka hor-yimaadeen go’aankii dhawaan madaxda madasha qaran ay ku kordhiyeen xubnaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxayna arrinkaasi ka digeen inay keeni karto qas iyo inuu halis galo masiirka umadda Soomaaliyeed.

Hadaba nuqul ka mid ah war-saxafaadeedka oo nasoo gaaray ayaa u qornaa sidatan:-

 

error: Content is protected !!