Xaflada dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka oo haatan si toos ah uga socota Muqdisho (DAAWO)

Waxaa haatan xarunta booliska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ka socoto xaflada dhaarinta xildhibaanada cusub labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xafladaasi ayaa waxaa ka qeyb-galaya, madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka iyo wakiilo ka kala  socda Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Inta badan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo xaadiray xaflada dhaarinta, iyadoo dhaarinta kadib la filaayo in baarlamanka cusub uu yeesho kal-fadhigiisa ugu horeeya.

Xildhibaanada ayaa markaasi kadib dooran doono guddoomiye KMG ah ee baarlamaanka, kaas oo noqon doono qofka ugu da’da weyn ee xildhibaanadaas.

Dhinac kale, wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaaladda Muqdisho ayaa maanta gebi ahaan xiran, waxaana waddooyinkaasi lagu daadiyay ciidamo farabadan oo isuga jira nabad-sugidda iyo booliska, kuwaas oo isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha hakad geliyay.

error: Content is protected !!