Xildhibaanadii muranka ka taagnaa oo maanta loo diiday in la dhaariyo iyo arrinkaasi oo dood dhalisay

Wararka naga soo gaaraya xarunta dugsiga sare booliska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 11 xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii maanta lagu dhaarinaayay halkaasi loo diiday in la dhaariyo, kadib markii magacyadooda laga reebay liiska ay ku qornaayeen guud ahaan xildhibaanada baarlamaanka cusub.

Xafladaasi oo haatan soo gaba-gabowday ayaa xildhibaanada loo diiday in la dhaariyo ayaa ahaa kuwii ay dhawaan laaleen guddiga xallinta khilaafaadka doorashada dalka.

Madaxda madasha qaran ayaa habeenkii xalay 7 ka mid ah xildhibaanadaasi ansixiyay, iyagoona ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan xildhibaanadaasi loo dhaariyo islamarkaana loo siiyo shahaadooyinka iyo kaararka aqoonsiga.

Arrintaasi ayaa haatan u muuqata mid ka gedisan sidii loo maleeynayay, waxayna guddiga doorashada si toos ah u diideen in la dhaariyo xildhibaanadaas oo sharci ahaantooda muranka ka taagan yahay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Cumar Maxamed Cabdulle (Dhagey) ayaa xafladda dhaarta ka sheegay in 11-ka xildhibaan uu dhawaan guddiga xallinta khilaafaadka laalay sharci ahaantooda, aanay ku jirin xildhibaanada maanta la dhaarinayo.

error: Content is protected !!