DEG DEG:- Madaxda madasha qaran oo dib u dhigay fullinta 18 xildhibaan ee lagu kordhiyay Aqalka sare

War-murtiyeed ay goordhaw soo saareen madaxda madasha Qaran ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay 18-ka xubnood ee dhawaan la shaaciyay in lagu kordhiyay Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda madasha Qaran ayaa sheegay in fullinta ku darista xildhibaanada 18-ka kursi dib loogu dhigay illaa laga soo dooranaayo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo 4-ta sanno soo socoto dalka hogaamin doona.

Sidoo kale, waxay madaxda madasha qaran war-murtiyeedkooda ku sheegeen in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan uu codsi u diro baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana uu kaga codsanaayo in wax ka beddel dastuureed lagu sameeyo qodobka 72-aad ee dastuurka federaalka Soomaaliya

Hadaba nuqul ka mid ah war-murtiyeedka nasoo gaaray ayaa u qornaa sidatan:-

1. MHQ waxay hambalyo u direysa Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya oo uu u qabsoomay munaasabadda kulanka kafadhigooda koowaad oo uu rasmi ahaan ku dhismay Aqalka Sare islamarkaana xubnaha labada Aqal ee Baarlamaankana lagu dhaariyey. Waa markii ugu horreysay ee muddo 47 sano ka dib, baarlamaan muddada xilhayntiisi si buuxda usoo dhamaysta oo xilkii golaha sharci-dejinta qaranka cusub si dimuqraaddinimo iyo maamuus ku dheehan xilka ugu wareejiyey Baarlamaanka cusub.

2. Madasha Hogganka Qaranku (MHQ) oo weli ku guda jirta xaqiijinta habsami u dhamaystiridda hawlaha doorashooyinka 2016 iyo u horseedidda heshiisyo u xaqiijin kara midnimada umadda Soomaaliyeed iyo xallinta cabashooyinka uga imanaya bulshooyinka ku nool degaan-doorashooyinka kala duwan ee dawlad goboleedyada xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

3. MHQ ayadoo tixgelineysa ajendooyinka culus ee Baarlamaanka Federaalku horyaal loona baahan yahay in laga horqaado wax walba oo carqaladeyn kara xilgudashadiisa, madaxda hoggaanka qaranka waxay isku raaceen:

a. In fulinta doorashada sideed iyo tobankii (18) kursi ee madashu ku kordhisay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka dib loo dhigo ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya;

b. In Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya codsi rasmi ah degdeg ugu diro Baarlamaanka Federaalka kana codsado in wax-ka-beddel dastuureed lagu sameeyo Qodobka 72-aad ee Dastuurka Federaalka oo xubnaha Aqalka Sare ee BFS oo hadda ah konton iyo afar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare la gaarsiiyo laba iyo toddobaatan (72) kursi, si loogu xalliyo cabashooyinka bulshada ka yimid lagana dhigo ajeendooyinka Baarlamaanka ee mudnaanta koowaad leh.

1. Ugu dambeyntii MHQ waxay Baarlamaanka 10-aad u rajeyneysaa guul waxayna ku dhiirrigelineysaa inay waajibaadkooda u gutaan si xilkasnimo ku jirto.

–Dhammaad–

Shador Haji Mohamud
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada
Dowlada Federaalka Soomaaliya
shadorhaji@presidency.gov.so

error: Content is protected !!