Faah faahin:- Qarax aad u xoogan oo saakay ka dhacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan islamarkaana ahaa mid lagu soo xiray gaari uu watay nin ganacsade ah ayaa saakay ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Maalin Taajir oo ku taala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Uljeedka qaraxaasi ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa in lagu qaarajiyo ninkaasi ganacsade ah, waxaana qaraxa loogu xiray gaarigiisa, gaar ahaan qeybta xigta kursiga darawalka.

Ma jirto wax qasaare ah uu geystay qaraxaasi, waxayna miinadaasi qaraxday xilli uu ninka ganacsadaha ahaa ku jiray goob maqaayad ah ee ku taala agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa baaritaano ay ku ogaanayaan sida ay wax u dhaceen ka sameeyay goobtaasi.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan lagu soo qabtay baaritaankaasi, ama sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Qaraxyada ceynkaan oo kale ah ayaa waxaa looga bartay inay geystaan Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo inta badan qaraxyo la beegsada mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadka waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!