Guddiga doorashada oo war-saxaafadeed kasoo saaray meesha ay haatan wax marayaan (AKHRISO)

War-saxaafadeed uu maalintii shalay soo saaray guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayuu kaga hadlay dhameystirka guud ahaan doorashooyinka weli ka soconaaya dalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale war-saxaafadeedka ku sheegay in kadib dhaarintii xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ay sii wadi doonaan dhameystirka kuraasta harsan ee labada Aqal ee baarlamaanka.

Waxaa weli harsan dhameystirka kuraasta Aqalka hoose ee beelaha Banaadiriga iyo sidoo kale qaar ka mid ah kuraasta labada Aqal ee beelaha dega gobolada waqooyi ee Somaliland.

Guddiga ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu arrintaasi kusoo gaba-gabeyn doonno, si loo dhameystiro inta ka harsan doorashada dalka, inkastoo ay jiraan culeysyo dhinaca doorashada ah.

In ka badan 283 xildhibaan oo isugu jira Aqalka hoose iyo kan Sare ayaa dhawaan lagu dhaariyay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa markii la dhameystiro tirada xildhibaanada harsan in la qaban doono doorashada guddoonka iyo ku-xigeenadiisa, iyadoona kadib la guddo gali doonno doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka ay soo saareen guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal

error: Content is protected !!