Shariif Xasan oo ka hadlay rajada uu ka qabo inuu ku guuleysto tartanka doorashada (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya islamarkaana ka mid ah madaxda madasha qaran Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA-da ayaa si faah faahsan uga hadlay kuraasii lagu kordhiyay xubnaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ka madax ahaan ay dan iyo maslaxo Soomaaliyeed u arkeen inay 18 xubnood ku kordhiyaan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ay arrintaasi tahay mid KMG ah.

“Dabcan madashu waxay ku dadaalaysaa mashruuca horu-socodkiisa, oo ay markasta ka fikiraysaa, hadana madashu waa ogoshahay in sharciyada la waafajiyo, in dadka laga qanciyo, in beesha caalamka laga qanciyo” Sidaas waxaa yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan,

Shariif Xasan oo ka hadlay wararka sheegaya in musuq-maasuqa uu hareeyay doorashadda ayaa  sheegay in guddiga xallinta khilaafaadku ay dib u celiyeen kuraastii muranka ka dhashay, islamarkaana tilmaamay inay aad u adagtay in la qanciyo dadka, balse uu ku farasan yahay in kuraasta lasoo celiyay ay 1% ay ka yihiin xildhibaanada lagu soo doortay magaaladda Baydhabo.

“Waxaan arkay maamul goboleedkayga dad tartamaayay oo hadana laga guuleystay, hadana dacwo qaba, marka 69 kursi in 5 kursi oo kaliya laga hadlo oo 1% ka ah, waxaan aamisanahay in horumar iyo guul ay sameeyeen” Ayuu hadalkiisa raaciyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhinaca kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu weli yahay murashax u taagan doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana uu rajeynayo inuu ku guuleysto doorashadaas.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in musharaxnimadiisa ay tahay mid ay kasoo tashadeen maamulka Koonfur Galbeed, Odayaasha dhaqanka iyo shacabka reer Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaa uu sina diyaar u yahay inuu taranta doorasho ka qeyb galo.

“Maamulka Koofur Galbeed ee fullinta, barlamaanka, odoyaasha dhaqanka iyo shacweynaha reer koonfur galbeed ayaa murashaxnimadayda lagala soo tashaday, diyaar ayaana u ahay inaan tartamo”

Sidoo kale, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa mar la weydiiyay uljeedada socdaalkiisa uu ku joogo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya sheegay inuu markiisi hore ka yimid dalka Sucuudi Carabiya kadib markii uu halkaasi kusoo cimreystay, dhawaana uu ku laaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Shariif Xasan ayaa sheegay markii uu ku laabto magaalada Muqdisho uu halkaasi ka bilaabi doonno ololahiisa doorasho islamarkaana uu ku rajo weyn yahay inuu ku guuleysan doonno.

error: Content is protected !!