Wararkii ugu dambeeyay howlgalada ka socdo Boosaaso iyo dad badan oo xabsiga la dhigay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in weli halkaasi uu ka soconaayo howlgaladii ugu cuslaa ebid, kadib markii dhawaan magaaladaasi gudaheeda siyaabo kala duwan loogu dilay illaa seddax mas’uul oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Taliye ku-xigeenka qeybta booliska ee gobolka Bari Axmed Abshir (Axmed Jaraale) oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn xarunteeda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka uu weli ka socda magalaada Boosaaso, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjari doono.

“Hadii uusan amni jirin waxbarasho iyo ganacsi ma jirayaan, waxaan ka codsanaynaa shacabka Boosaaso inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si waxyaabaha amniga lid ku ah gacan bir loogu qabto” Sidaasi waxaa yiri taliye ku-xigeenka qeybta booliska gobolka Bari Axmed Jaraale

Dhinaca kale, howlgalada haatan ka socda magaalada Boosaaso ayaa ah kii ugu balaarnaa ebid ee halkaasi ka dhaca, waxayna howlagaladaasi saameyn aad u balaaran ku yeesheen ganacsiga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo waxbarashada magaaladaasi ka jiray.

Ciidanka booliska ee gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso ku qab-qabtay in ka badn 300 qof, kuwaaas oo lagu eedeeyay inay qal-qal geliyeen amniga magaaladaasi, waxaana inta badan dadkaasi loo gudbiyay xabsiyada, halka qaar kale lasii daayay kadib markii lagu waayay wax dambi ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii magaalada Boosaaso lagu dilay illaa seddax mas’uul oo ka tirsanaa maamulka Puntland, waxaana dilalkaasi¬†lagu tilmaamay inuu ahaa mid qal-qal weyn geliyay xasiloonidii ka jirtay magaaladaasi.

Dilalkaasi ayaa loo soo qab-qabtay dad u badan dhalinyaro oo lagu eedeynayo inay falal amni darro ah ka wadeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

error: Content is protected !!