Taliye ku-xigeenkii ciidanka ilaalada xarunta madaxtooyadda oo maanta lagu dhex dilay halkaas

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay taliye ku-xigeenkii ciidanka ilaalada madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Cabdi Qoorgaab.

Dilka taliyahaasi ayaa la sheegayaa inuu geystay askari ka tirsanaa ilaalada madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn sababta uu dilka u geystay.

Warar hordhac ah ay warbaahinta Bulshoweyn heleyso ayaa sheegaya in taliyaha la dilay uu ku heyb yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, askari kale oo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu isna ku dhaawacmay weerarkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee ku sugan xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa islamarkiiba gacanta ku dhigay askarigii dilka geystay.

Ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay kaga hadlayaan dilka loo geystay taliye ku-xigeenkii ciidanka ilaalada xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho Cabdi Qoorgaab.

error: Content is protected !!