Xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood oo loo xil saaray qaban-qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.
Guddigaan ayaa sida la sheegay loo qeybiyay qaabka awood qeybsiga ee 4.5, waxaana lagu ansixiyay kulankii maanta ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada laba Aqal ee baarlamaanka cusub.
Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay magacyada 15-ka xildhibaan ee guddigaasi, waxayna kala yihiin sida soo socota:-
- Aadan Isaaq Cali
- C/rashiid Maxamuud Xasan
- C/raxmaan Ducaale Beyle
- C/laahi Colaad Rooble
- Daahir Maxamuud Muuse
- Duniyo Maxamed Cali
- Hani Maxamed Aadan
- Isaaq Maxamed Maxamuud
- Maxamed C/raxmaan Beena-Beene
- Naciimo Maxamed Gacal
- Saalax Axmed Jaamac
- Sacdiyo Muuse C/laahi
- Sacdiyo Yaasiin Xaaji
- Samiiro Xasan Cabdulle
- Xaawo Maxamed Aadan
Dhinaca kale, guddigaan ayaa la filayaa inay iska dhex doortaan guddoomiyaha guddiga, kahor inta aysan shaacinin xilliga doorashadda guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya.