C/weli Gaas iyo C/kariin Guuleed oo heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Madaxweynayaasha maamulada Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo kan Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan colaadda ka jirta magaalada Gaalkacyo.

Heshiiskaan oo laga soo saaray dhowr qodob ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha dowladda federaaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

Labada mas’uul ayaa la sheegayaa inay si wadajir ah isku afgarteen qodobada soo socda:-
  1. In si deg-deg ah la isku furo isku socodka dadka iyo gaadiidka labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo, lana kala qaado ciidamada isku hor-fadhiya.
  2. In magaalada Gaalkacyo la geeyo ciidamo boolis, oo labada dhinac ah.
  3. In bisha Febraayo 2017-ka  la iskugu soo laabto wada-hadalo rasmi ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay aheyd markii labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug oo heshiis dhowr qodob ka kooban ay kala saxiixdeen, iyadoona qaar ka mid ah qodobada heshiiskaasi ku qornaa aan weli la fulin.

error: Content is protected !!