Meydka taliye ku-xigeenkii ciidanka madaxtooyadda oo lagu dukaday salaada janaasada (SAWIRO)

Allaha u naxariistee, meydka taliye ku-xigeenkii ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya G/sare Cabdi C/dulle Qoorgaab oo maalintii shalay askari ka tirsan ciidankaasi ku dilay xafiiskiisa ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Masjid ku yaala xarunta madaxtooyadda ayaa meydka taliyaha lagula dukaday salaadda jannaasada, waxaana dukashada salaadaasi ka qeyb-galay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Cali Baashi, Taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya S/Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beyloot), Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga iyo mas’uuliyiin ka socotay madaxtooyada Soomaaliya.

Allaha u naxariistee G/sare Cabdi C/dulle Qoorgaab ayaa ahaa nin aad ugu fir-fircoon shaqada ciidanka, dulqaad badan, islamarkaana aad u daneeya in si adag loo guto waajibaadka saaran ciidanka uu mas’uulka u ahaa, sida laga xigtay mas’uuliyiinta madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladda federaaalka Soomaaliya ayaa kasoo qeyb-galay dukashada salaada janaasadda ee meydka taliye ku-xigeenkii ilaalada madaxtootayada Soomaaliya Allaha u naxariistee G/sare Cabdi C/dulle Qoorgaab.

error: Content is protected !!