Sarkaal ka tirsan NISA oo afduub ahaan loogu heysto magaalada Dhuusamareeb ee Galgaduud

Sarkaal ka tirsan ciidanka nabad-sugidda qaranka ee NISA oo magaciisa lagu sheegay Daahir Aadan Faarax ayaa la sheegayaa in qaab afduub ahaan loogu heysto magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee ka arrimiya gobolada dhexe ayaa la sheegayaa in sarkaalkaasi ay muddo todobaad ka badan u haystaan madax furasho ahaan.

Ehelada sarkaalkaasi oo xiriir la sameeyay maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ka dalbaday in lasii daayo, balse waxaana la sheegayaa in sarkaalkaasi la qabtay xilli uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb.

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sarkaalkaasi NISA ku doonaysa madax-furasho maxaabiis is-weydaarsi ah, lamana oga sababta uu sarkaalkaasi markiisii hore u tagay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Warar hoose ay warbaahinta Bulshoweyn heleyso ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca ay maxaabiis ahaan gacanta ugu jiraan maamulka Galmudug, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Godinlabe.

Dhinaca kale, ma jiro wax jawaab ah oo kasoo baxay hay’adda nabad-sugidda qarana ee NISA, kaas oo ay kaga hadlayaan afduubka ay maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ku haystaan sarkaal lagu magacaabo Daahir Aadan Faarax oo ka tirsan ciidanka NISA.

error: Content is protected !!