Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo mooshin ka keenay arrin xasaasi ah (DHAGEYSO)

Qaar ka tirsan xidhibaanada baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay guddoonka KMG ee baarlamaanka ay gudbiyeen mooshin lagu dalbanaayo in 5-ta xildhibaan oo la laalay laga qaado xayiraadda islamarkaana loo ogolaado inay ka mid noqdaan baarlmaaanka.

Mooshinkaan cusub ayaa sida la sheegay saxiixay ilaa 67 xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxayna xildhibaanadaasi u badan yihiin xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Xildhibaanadaasi ayaa ku doodaya inay 5-ta xildhibaan ee laga reebay baarlamaanka Soomaaliya ay dhibaato badan soo mareen, islamarkaana loo baahan yahay in la fasaxo, loona ogolaado inay ka mid noqdaan baarlamaanka.

Dhinaca kale, beesha caalamka oo olole weyn ugu jirtay in 24 xildhibaan oo dacwado laga keenay la laalo, kana hor-timid go’aankii madasha ee lagu cafiyay 7 ka mid ah 11-kii xildhibaan ee hore loo laalay.

Si kastaba, mooshinkaan ayaa u muuqda mid keeni kara dib u dhac kale, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn in baarlamaanka cusub uu meel marin doono mooshinkaan iyo inkale.

Mooshinkaan ayaa caddeyn u ah in xildhibaanadii hore ee soo laabtay ay awood ku leeyihiin baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!