Warar hordhac ah oo laga helaayo qaraxyo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa laba qarax oo aad u xoog badan oo goor-dhaweyd ka dhacay inta u dhaxeeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane.

Qaraxyadaan oo ahaa labo ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah, waxaana lagu weeraray bar-kontrool ah oo ku dhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidanka nabad-sugidda qaranka iyo kuwa AMISOM.

Qaraxii labaad oo si weyn looga maqlay guud ahaan magaaalada Muqdisho ayaa loo adeegsaday gaari weyn oo nooca xamuulka qaado ah, waxaana uu ka dhacay halka loo yaqaano Madino Gate oo ah irida laga galo xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane.

Qaraxaasi ayaa la sheegaya inuu geystay bur-bur hantiyeed iyo mid nafeedba leh, waxaana qaraxyadaasi kadib la maqlay rasaas xoogan oo u muuqatay mid la is-dhaafsanaayay.

Warar hordhac ah oo ay warbaahinta Bulshoweyn heleeyso ayaa sheegaya inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac ah balse aan la ogeyn inta uu qasaarahaasi la egyahay.

Wariyaasha warbaahinta Bulshoweyn oo ku sugan agagaarka goobta ay qaraxyadaasi ka dhaceen ayaa sheegaya in bar-tilmaameedkiisu uu ahaa Hotelka Peace oo ku yaala meel aan sidaasi uga dheereyn xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hoteelka Peace ayaa dhawaan lagu qabtay shirkii madaxda urur gobaleedka IGAD, waxaana Hoteelkaasi haatan degan diblomaasiyiin badan.

Gawaarida gurmadka deg dega ah ayaa haatan gurmadyo kala duwan u fidinaaya dadka ku wax-yeeloobay labadaasi qarax.

Qaraxyadaan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo sanadkaan cusub ee 2017-ka, ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!