Xilliga la qabanaayo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa oo la shaaciyay

Guddiga doorashadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee dhawaan la magacaabay ayaa maanta shaaciyay xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo ku-xigeenadiisa.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashada guddoonka baarlamaanka la qaban doono 11 illaa 12ka bisha Janaayo ee 2017-ka.

Dhinaca kale, hadii ay dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa waxaa la guddo gali doonnaa doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taas oo la qaban doono dhamaadka bishaan aynu ku jirno ee Janaayo.

Ugu dambeyntii, guddiga doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacabka ku wargeliyay in haatan ay si fiican socdaan qaban qaabada ku aadan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.

error: Content is protected !!