Ciidanka booliska Turkiga oo soo bandhigay muuqaalka ninkii dhawaan weerarka geystay (SAWIRO)

Ciidanka booliska dalka Turkiga ayaa baahiyay sawirada ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii dhimashada dhaliyay ee maalintii Axada aheyd lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istanbuul.

Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa sheegtay in sawiradaasi ay qaadeen kamerooyinka qarsoon ee loo yaqaano CCTV, inkastoo taariikhda la qaaday uusan muuqaalka ku caddeyn.

Warbaahinta Turkiga ayaa sidoo kale baahiyay muuqaalka sawirka ninka la tuhunsan yahay inuu weerarka geystay.

Dhinaca kale, muuqaal video ah oo la baahihyay ayaa la sheegayaa inuu iska soo duubay ninka weerarka geystay xilli uu ku sugnaa agagaarka fagaaraha Taksim Square ee magaalada Istanbuul.

Ciidanka booliska Turkiga ayaa mar sii horeeysay xabsiga dhigay illaa 8 qof oo lagu tuhunsanaa inay ku lug leeyihiin weerarkaasi, kaas oo ay ku geeriyootay illaa 39 qof halka 70 ku dhawaad ay ku dhaawacantay.

Sidoo kale, ciidankaas ayaa saqdii dhexe ee xalay gudaha u galay guri ku yaala degmada Zeyntinburnu ee magaalada Istanbuul, halkaas oo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen dad lala xiriirinayo weerarkaasi argagaxisa ahaa.

Ugu dambeyntii, kooxda Daacish ayaa durbaba sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala deegaanka Besiktas ee magaalada Istanbuul.

Si kastaba ha ahaatee, dadka lagu dilay weerarkaasi ayaa la sheegayaa inay u badnaayeen dad ajaanib oo dalxiisayaal ah, waxaana sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay 69-kale.

error: Content is protected !!