Madaxweyne Xasan Sheekh oo balan-qaad aan caadi ahayn u sameeyay shacabka Soomaaliyeed (DHAGEYSO)

Madaxweynaha haatan xilligiisa sii dhamaanaya ee Soomaaliya ahna musharax markale u taagan doorashada xilka madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa balan-qaad cusub oo aan caadi ahayn u sameeyay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay khudbad ka jeediyay xaflad uu ku shaacinaayay musharaxnimadiisa madaxweyne, kana dhacday ka dhacday Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed u balan-qaday seddax arrimood oo uu doorashada ku galaayo, waxayna kala yihin sida hoos ku xusan:-

  1. Dhismaha hay’addo amni oo hanan kara ammaanka guud ee dalka
  2. Dhameystirka federaaleynta dalka, si uu u noqdo mid u adeegaya danaheena Soomaaliya
  3. Dhismaha nidaam siyaasadeed oo qaran, si aynu u noqono qaran wadajir ah

Seddaxdaan qodob ayaa u muuqda kuwa bedeli doonna 6-dii tiir ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hore ku galay doorashadii 2012-ka, taas oo weli uusan uga soo bixin sidii uu ku balan-qaaday.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday inay markale u doortaan xilka madaxweynaha, si loo dhameystiro wixii qabyo ahaa ee aan la qaban 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan madaxda u tartameeysa doorashada hogaanka sare ee dalka ayaa balan-qaadyo aan jirin sameeya, kuwaas oo kaga dan-leh inay doorashada kusoo galaan islamarkaana markii ay doorashada ku guuleystaan aan balanta u fulin sidii ay hore u shaaciyeen.

error: Content is protected !!