Ciidanka NISA oo xabsiga dhigay 9 qof oo looga shakisan yahay qaraxii hay’adda UNDP

Ciidamada nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa maanta xabsiga dhigay 9 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin qaraxii lagu xiray gaari ay leeyihiin ciidamada ilaalada hay’adda UNDP oo maanta ku qarxay garaash ku dhex yaala xarunta hay’addaas.

Baaritaano iyo daba-gal dheeraad ah oo ay ciidanka NISA sameeyeen ayaa ugu dambeyn waxay ciidankaasi soo xir-xireen illaa 9 qof oo lagu tuhmaayo inay ku lug leeyihiin qaraxa.

Ciidanka NISA ayaa sidoo kale la wareegay labo garaash oo mid ka mid ah ku yaala xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacantay illaa 4 qof oo ka mid ahaa ciidanka ilaalada hay’adda UNDP, iyadoona sidoo kale uu burbur aad u xoogan uusoo gaaray dhismaha xarunta.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adda UNDP oo mashaariicda horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa howlo badan ka heysa gudaha dalka Soomaaliya, waxayna hay’adaasi ka qeyb qaadata bixinta mushaaraadka qaar ka mid ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!