Dhacdo aad u xanuun badan oo ka dhacday xaafadda Todobaad ee dalka Jabuuti

Wiil da’diisa lagu sheegay 12 sano jir ayaa xaafadda Todobaad ee ku taalla caasimada dalka Jabuuti ku dilay waalidiinta dhalay iyo sidoo kale laba gabdhood oo isaga la dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay si aad ah uga naxeen dilkaasi, waxaana la sheegayaa inuu wiilkaasi dilka u adeegsaday tooreey ama mindi cidba sida ay u taqaano.

Cumar Xasan oo ah agaasimaha ammaanka dadweynaha ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in wiilkaasi uu weerar ku qaaday qoyskiisa oo ka koobnaa 5 qof, islamarkaana uu dilay aabihii, hooyadii iyo labo gabdhood oo la dhashay.

Ciidanka ammaanka ee dalka Jabuuti ayaa la sheegayaa inay haatan gacanta ku haayaan wiilkaasi, waxaana ay ku wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan waxa keenay dilka.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta keentay in wiilkaan yar uu qoyskiisa laayo, waxaana arrinta yaabka badan ay tahay sida ay ku suurto gashay in wiilkaasi yar uu dad intaasi la eg uu halmar dil u geysto.

error: Content is protected !!