Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Hirshabeele oo gaaray magaalada B/weyne (SAWIRO)

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble  ayaa maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka magaalada B/weyne kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan.

Socdaalka wafdiga madaxweynaha Hirshabeele ee magaalada B/weyne ayaa lagu sheegay inuu ku saabsan yahay kulamo iyo la-tashiyo uu la yeelanayo maamulka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan, kaas oo kala hadli doono xaalada doorashada dalka iyo dhismaha maamulka Hirshabeele.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii labaad uu madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble socdaal ku tago magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo socdaalkii hore uu ahaa kadib markii loo doortay xilka madaxweynaha maamulkaas.

error: Content is protected !!