Tiradii ugu badneyd ee musharixiinta u tartameeysa xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaartay tii ugu badneyd, kadib markii ay is-diiwaan geliyeen in ka badan 20 musharax.
Waxaa galabta soo xirantay is-diiwaan gelinta musharixiinta u tartameeysa xilka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxayna guddiga doorashada sheegeen inay is-diiwaan geliyeen illaa 15 musharax oo cusub.
Xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa noqotay mid furan oo ay isku sharaxeen dhammaan xildhibaanada kasoo kala jeeda beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed, iyadoona markaan ay noqonayso markii ugu horeeysay oo arrintaan oo kale la arko.
Musharixiinta isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha baarlamaanka:-
- Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)
- C/rashiid Maxamed Xidig.
- C/fitaax Maxamed Geesey
- Idiris Cabdi Dhakhtar
Musharixiinta isku sharaxday guddoomiye ku-xigeenka koowaaad waxay kala yihiin:-
- Jeylaani Nuur Iikar
- C/weli Ibraahim Muudey
- Khaalid Macow
- Saciid Xuseen Ciid
- Khadiijo Maxamed Diiriye
- Faarax Sheekh Cabdiqadir
Musharixiinta isku sharaxday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka oo codsiyadooda gudbiyay:-
- C/qaadir Sheekh Cali (Baqdaadi)
- Mahad Cabdalla Cawad
- Burhaan Aden Cumar
- C/laahi Xuseen Cali
- C/weli Maxamed Qanyare
- Xuseen Cabdi Cilmi
- C/laahi Goodax Barre
- Jamaal Xasan Ismaaciil
- C/laahi Cismaan Ducaale
- Cilmi Maxamed Nuur
- C/raxmaan Aaden Ibraahim
- Maryan Axmed Haarun.