Shaqsiga macquulka ah ee ku guuleysan doonna xilka guddoomiyaha baarlamaanka cusub

Waxaa soo dhameyrtirmay tiradda musharixiinta sanadkaan ku tartami doonta xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoona tiradda musharixiintaasi ay haatan gaareyso illaa afar musharax.

Musharaxa koowaad:- Prof.  Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waa guddoomiyaha baarlamaankii ugu danbeeyay ee sagaalaad, waa aqoonyahan leh khibrad shaqo oo hore usoo qabtay xilal dowladeed oo kala duwan. wuxuuna beel ahaan kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

Beesha Digil iyo Mirifle oo inta badan qabata xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan la saadaalinayaa in markii labaad uu Prof. Jawaari ku guuleysan doonno xilkaan, taas oo ay ugu wacan tahay iyadoo aanu tartanka ku jirin musharax isaga u dhigmi kara.

Musharaxa labaad:- C/rashiid Maxamed Xiddig

C/rashiid Maxamed Xiddig, waa musharax u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka markii ugu horeysay, khibradiisa hore waa mid yar oo ku kooban dowladihii KMG ahaa, laguma sheegin aqoon sare, wuxuuna hore usoo qabtay xilal wasiir ku-xigeeno iyo wasiiru dowle.

Wuxuu taageero ka heystaa isbaheysi uu hogaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana la saadaalinayaa in rajadiisa xilka ay soo afjarmi doonto, isagoo mari doonna jidkii uu sanadkaa 2012-ka maray Prof. Cali Khaliif Galeyr.

Musharaxaan wuxuu tijaabo u yahay kooxda Shariif Xasan iyo taageerada ay ka heystaan baarlamaanka.

Musharaxa seddaxaad:- C/fitaax Maxamed Geesey

C/fitaax Maxamed Geesey, waa musharax kasoo jeeda beesha Digil iyo Mirifle. Marka la eego dhinaca khibradiisa iyo aqoontiisaba waa mid aad u yar, islamarkaana wasiir ka ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, horena usoo noqday guddoomiyaha gobolka Bay.

Ma jirto rajo ku saabsan inuu xilkaan ku guuleysan karo ama cadad badan ka heli karo xildhibaanada, waxaase musharaxnimadiisa la oran karaa inay tahay mid uu doonayo inay taariikh nololeedka u gasho.

Musharaxa afaraad:- Idiris Cabdi Dhakhtar

Idiris Cabdi Dhakhtar, waa aqoonyahan dhinaca beeraha iyo daaqa ah, wuxuuna hore usoo noqday guddoomiye ku-xigeen gole la baxay golaha bad-baadada Koonfur Galbeed, wuxuu kaloo ka mid ahaa madaxweynayaashii sheegtay inay maamulka Jubbaland madaxweyne u yihiin.

Musharax Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa leh mowqifyo xag jira oo beeshiisa Digil iyo Mirifle ku difaaco, wuxuuna dhawaan shaaciyay inay diideen dalab uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku saabsanayd arrimaha doorashada, waxaana rajadiisa ee xilkan la dhihi karaa waa tan ugu hooseysa dhamaan musharixiinta la tartameeysa.

error: Content is protected !!