Cabdi Qeybdiid oo fariin culus u diray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka (DHAGEYSO)

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ka mid ah xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa fariin aan caadi ahayn u diray xildhibaanada cusub, wuxuuna farriintiisa ku sheegay in xildhibaanadaasi looga baahan yahay inay doortaan qof ay u arkaan inuu dalka iyo dadka hogaamin kara iyadoo aan lagu xirin wax shuruud ah.

“Xubnaha labada gole ayaa waxaa laga doonayaa kitaabka jaamaca ah ay mareen, qur’aanka kariimka qof weliba gacanta saaray, waxaa laga doonayaa inay aadaan, aysan masaalix kale eegin, walaalahay waxaan ugu baaqayaa inay eegaan oo ay wax ku doortaan qof walibo waxtarkiisa” Sidaas waxaa yiri xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdi Qeybdiid ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu haatan ku jiro xaalad adag islamarkaana loo baahan yahay in xildhibaanada ay soo doortaan shaqsiga ay u arkaan in dalka uu xaaladaan adag ka bixin karo.

“Waxaan walaalaheey ugu baaqayaa inay eegaan Soomaaliya marxalad adag bay mareeysaa, yaa samata bixin kara, in ma aragtay qof weliba garashadiisa, yacni dadku aragtidiisa waa lagu kala duwan yahay, qofba si buu u arkayaa, laakiin niyad samidu iyo daacadnimada, kitaabkii la marayna ka turjumeeysa waxay tahay, in dadka musharixiinta ah ee Soomaaliyeed ee madaxda ah ee tartamaya, qofka qof weliba uu is-leeyahay, maantay marxaladaan adag wax buu ka qaban karaa ayaa la rabaa in codka la siiyo, iyadoo aan sharuud laheyn, dan iyo masaaliixna lagu xirin” Ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Xildhibaan Cabdi Qeybdiid.

error: Content is protected !!