Tarsan oo hadal ka keenay lacagta lagu soo rogay musharixiinta xilka madaxweyne Soomaaliya

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir ahna musharax haatan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa soo jeediyay talo ku saabsan lacagaha laga qaadayo musharixiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Mr.Tarsan oo ka mid ah musharixiinta sida weyn u adeegsata baraha bulshada ayaa ku taliyay in lacagta laga qaadayo musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ee gaareysa 30-kun oo doolar, qeyb ka mid ah loo qoondeeyo dadka abaaraha ku dhufteen gobolada dalka ee Soomaaliya, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:-

“Waxaan soo jeedinayaa in lacagta $30,000 oo la saaray musharixiinta madaxweyne in boqolkiiba konton lagu tabaruco dadka soomaaliyeed oo ay abaaruhu ku dhufteen, si loogu fidiyo gar-gaar deg deg ah, illaa iyo hadda waxaa musharax ah 26 qof oo kiiba laga rabo inuu dhiibo $30,000 X 26 = $780,000, waxaan aaminsanahay inay lacagtaasi wax weyn ka qaban karto xaaladda abaaraha, xaqna ma ahan in lacagtaasi ay si khaldan ku baxdo ama loo cuno” Sidaasi waxaa u barta Facebook-ga soo dhigay musharax Tarsan.


Dhinaca kale, fariintaan wanaagsan ee kasoo yeertay musharax Tarsan ayaa timid kadib markii baaqyo isdaba joog ah loo jeediyay musharixiinta diyaarka u ah inay lacago badan ku bixiyaan musharaxnimadooda.

Si kastaba ha ahaatee, musharixiintaasi ayaa haatan u muuqda kuwa aan u damqaneynin dadka dhibaareysan ee abaaraha iyo haraadka ugu dhimanaya gobolada dalka, waxaana sidoo kale iska muuqata in Mr. Tarsan uu guddiga doorashada dalka ka dalbanaayo inay lacag ugu deeqaan dadka ay abaaruhu  ku dhufteen gobolada dalka halka isaga shaqsiyan uu wax ku tarri lahaa.

error: Content is protected !!