Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaano ku yaala gobolka J/hoose (SAWIRO)

Wararka ka imaanaya gobolka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ay deegaanada gobolkaasi ka bilaabeen howlgal culus, iyadoona la sheegya inay qabsadeen dhowr tuulo oo ku yaala duuleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamadaasi huwanta ah ayaa maalintii shalay dagaal kula wareegay deegaanada waqooyiga ka xiga magaalada Kismaayo oo ay ka mid yihiin, Buulogadud, Wirkooy and Siinka Dheere oo ugu badnaan 50-km u jira magaalada Kismaayo.

Wararkii ugu danbeeyay ee la helaayo ayaa sheegaya in howlgalka ka socda deegaanada ku yaala gobolka J/hoose ay sii socon doonaan, waxaana howlgalkaasi iska kaashan doonna ciidamada Itoobiyaanka ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

error: Content is protected !!