Hay’adda nabad-sugidda oo loogu baaqay inay labo wariye ka mamnuucdo dalka Soomaaliya (AKHRISO)

Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa loogu baaqay in dalka Soomaaliya ay gebi ahaan ka mamnuucdo labo wariye oo caan ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay la shaqeeyeen islamarkaana ay fidiyeen dacaayadaha Al-shabaab.

Wariye Xamza Maxamed oo u shaqeeya teleefishinka Al-jazeera qeybtiisa Af-Ingiriiska iyo Jamaal Cismaan oo la shaqeyn jiray teleefishinka Channel 4 ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska, dhawaanna furtay warbaahinta DALSOOR ayaa baahiyay wareeysiyo ay la yeesheen afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere.

Wareeysigaasi ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa dacaayad loo fidiyay Al-shabaab islamarkaana lagu sharciyeynayo falalkooda qarxinta iyo dilka isugu jira ee dadka shacabka ah ay kula kacaan, waxaana NISA ay barteeda twitter-ka soo dhigtay fariin lagu dalbanaayo in labadaan wariye laga mamnuuco Soomaaliya, taas oo ay soo qortay haweeney Soomaali ah oo sheegtay in Al-shabaab ay dileen hooyadeed, ayna dareemayso dhaawac dacaayadaha ay labadaan wariye u sameeynayaan Al-shabaab.

Dhinaca kale, labadaan wariye ayaa la sheegayaa inay xiriir gaar ah la leeyihiin kooxda Al-shabaab, iyadoo arrintu gaartay heer looga shakiyo inuu jiro qorshe ka dhaxeeya, taasoo ay ugu wacan tahay sida ay Al-shabaab usoo dhaweeyso, islamarkaana degaanada ay ka taliyaan ay wariyaashaasi si sahal ku galaan.

Wariyaashaasi ayaa markii ay tagaan deegaanada ay Al-shabaab maamulaan waxay kulamo la yeeshaan madaxda sare ee ururkaasi, halka wariyaha caadiga ah ee ka howlgala guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ay Al-shabaab kula kacaan dil joogto ah, kuna qarxiyaan goobaha ay isugu tagaan.

Sidoo kale, waxaa is-weydiin mudan sababta hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA ay u fasaxday una ogolaatay in wariye Xamza Maxamed uu magaalada Dooxa ee dalka Qadar, kula laabto dhammaan agabkii, wareysiyadii iyo filimadii uu kasoo qaaday Al-shabaab, kadib markii ay Muqdisho ku xireen oo muddo labo maalmood ah ay gacanta ku haayeen.

error: Content is protected !!