Magacyada musharixiinta maanta ku tartameeysa xubnaha Somaliland ee Aqalka sare (AKHRISO)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka bilawday doorashada xubnaha beelaha kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland u matalaya Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay u tartamayaan lix kursi.

Lixda kursi ee ka mid ah xubnaha Aqalka sare ee loo qoondeeyay beelaha dega Somaliland ayaa waxaa u taagan musharixiin gaareysa 15, waxaana musharaxiinta qaarkood ku jira siyaasiyiin horey xilal dalka uga soo qabtay.

Guddiga doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada musharaxiinta maanta ku tartamaaya doorashada Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa inay doorashadaasi si dhaqsi ah usoo gaba-gabowdo.

error: Content is protected !!