Magacyada xubnaha Aqalka sare ee maanta kusoo baxay doorashadii ka dhacday Muqdisho (AKHRISO)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka dhacay doorashada xubnaha gobolada waqooyi u matalaya Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana illaa iyo haatan la doortay 6 xildhibaan.

Xubnahaasi maanta ku tartamaayay doorashada ayaa waxay tiro ahaan gaarayaan illaa 16 musharax, waxayna ku tartamayeen illaa lix kursi oo ka tirsan 11-ka kursi oo xubnaha Aqalka sare loo qoondeeyay beelaha dega gobolada waqooyi ee Somaliland.

Tartanka doorashadaas ayaa waxaa kusoo baxay illaa lix xildhibaan oo calfaday kuraastan, kuwaasoo ka adkaaday musharaxiintii kale ee la tartameeysay.

Musharixiinta ku guuleystay doorashada oo gaaraya illaa 6 musharax ayaa kala ah sida soo socota:-

  1. Xildhibaan Muxudiin Sheekh Cali Jaamac wuxuu helay 41 cod
  2. Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi wuxuu helay 29 cod
  3. Xildhibaan Muna Cumar Xasan oo ah wariye ka tirsan teleefishinka qaranka ee SNTV/Radio Muqdisho waxay heshay 32 cod
  4. Xildhibaan Mustaf Maxamad Qodax oo ahaa agaasime ku-xigeenka teleefishanka Somaliland wuxuu helay 42 cod
  5. Xildhibaan C/kariin Maxamed Xasan wuxuu helay 40 cod
  6. Xildhibaan C/risaaq Axmed Cali wuxuu helay 39 cod

Dhinaca kale, waxaa maalinta berri ah lagu wadaa inay dhacdo doorashada 5-ta kursi kale ee Aqalka sare oo ka harsan 11-ka kuraas ee loo qoondeeyay beelaha dega gobolada waqooyi ee Somaliland, waxaana kuraastaasi ku tartami doonna musharixiin badan.

error: Content is protected !!