Xildhibaano mooshin xil ka qaadis ah ka keenay madaxweyne Guuleed iyo Cali Gacal Casir

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa kacdoon ka bilaabay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, iyagoo halkaasi ku qaadanaya kulamo aan caadi aheyn oo ku diyaariyeen mooshin ay ku dalbanayaan in xilka looga qaado madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Kulan ay xildhibaanadaasi ku yeesheen magaalada Cadaado islamarkaana uu shir guddoominaayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa ajendeyaasha lagu daray waxaa ka mid ahaa mooshinka xil ka qaadista ee madaxweyne C/kariin Guuleed, iyadoo horena uu u yaalay mooshin xil ka qaadis ee guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas Cali Gacal Casir.

Illaa 46 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa la sheegayaa inay ansixiyeen mooshinka xilka looga qaadayo madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuled, iyadoo hal xidhibaan uu diiday, halka mid kale uu ka aamusay.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa gebi ahaan joojiyay shaqadda hay’adaha dowladda maamulkiisa, taas oo ay xildhibaanada maamulkaasi si weyn uga caroodeen.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa fasax 45 cisho ah ukala diray xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, waxayna arrintaasi keentay in xildhibaanada qaarkood ay mooshin xil ka qaadis ah ka keenaan guddoomiyaha.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ee mooshinka wada ayaa la sheegayaa inay dhaqaalo xumo ay haysato, waxayna xildhibaanadaasi tuhunsan yihiin in madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu afka u dhigtay dhaqaale laga helay dalka Isku taga Imaaraadka Carabta.

error: Content is protected !!