Ciidanka booliska oo gacanta ku dhigay labo qof oo dil naxariis darro ah ka geystay Muqdisho

Waxaa habeenkii xalay garaash ku yaala degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho laga helay meydka nin waardiye ka ahaa garaashkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Shariif Cabdulle Guuleed.

Allaha u naxariistee, Shariif Cabdulle Guuleed ayaa la sheegayaa in si fool xun dilkiisa loogu adeegsaday mindi ama tooreey cidba sida ay u taqaano.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada X/jajab Axmed Cismaan Dhoore oo warbaahinta Bulshoweyn la hadlay ayaa sheegay in ciidanka booliska ay dilkaasi usoo qabteen labo nin oo looga shakisan yahay dilka marxuun Shariif Cabdulle Guuleed.

Ugu dambeyntii, Shariif Cabdulle Guuleed ayaa la sheegayaa in xilligii la dilaayay uu ku sugnaa garaashka uu waardiyaha ka yahay ee ku yaala degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho, waxayna ciidanka booliska haatan baaritaano ku haayaan dilka naxariis daradda ah ee marxuumkaasi loo geystay.

error: Content is protected !!