DEG DEG:- Musharixiin isaga haray tartanka doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka

Waxaa goordhaw tartanka doorashada xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka cusub Soomaaliya isaga haray labo ka mid ah musharixiinta ku tartameeysay xilkaas.

Musharixiinta kala ah C/laahi Cismaan Ducaale iyo Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa shaaciyay inay gebi ahaan isaga hareen tartanka doorashada xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka cusub Soomaaliya.

Labadaasi musharax ayaa lagu waday in khudbadahooda ay ka jeediiyaan golaha baarlamaanka, inkastoo labadaasi musharax ay guddiga doorashada ku wargeliyeen inay isaga hareen tartanka.

Fadhiga baarlamaanka ee haatan socda ayaa la sheegayaa inay si habsami leh u socoto, wuxuuna musharax kasto jeedinayaa khudbadiisa iyo waxa uu qaban lahaa hadii xilkaasi loo doorto.

Goobta ay khudbadaha ka socdaan ayaa waxaa ku sugan xildhibaano badan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ammaanka goobta ay khudbadaha ka socdaan si weyn loo adkeeyay.

error: Content is protected !!