Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble oo isbadel ku sameeyay guddoonka magaalada B/weyne

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble uu maanta xilalkii ka qaaday guddoomiyaha magaalada B/weyne Macalin Cismaan Qalafoow iyo ku-xigeenkiisa Muuse Cabdi Daahir.

Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa xilka guddoomiyaha cusub ee magaalada B/weyne u magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim Foodcadde, halka guddoomiye ku-xigeenkiisane uu u magacaabay Khadar Xasan Afrax.

Sidoo kale, madaxweyne Cosoble ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiye ku-xigeenkii degmada Matabaan Sheekhdoon Faarax Waare, isagoona xilkaasi u magacaabay Ducaale Aadan Cabdi.

Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble ayaa dhawaan xilkii ka qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), isagoona magacaabay Cali Jeyte Cismaan ee haatan guddoomiye ka ah gobolkaas.

error: Content is protected !!